Alshabaab tiro badan oo lagu laayay duqeyn diyaareed

Diyaarado nooca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones-ka ay Mareykanka leeyihiin ayaa duqeymo dhanka cirka ah maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada Al-Shabaab kula beegsaday deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeynta ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay isku uruursanayeen horjoogayaal sar sare iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab, waxaana duqeyntaas oo ka dhacay meelo u dhow degmooyinka Jilib iyo Kunya-Barow lagu gaarsiiyay khasaaro lixaad leh.

War Qoraal ah oo lagu daabacay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta ay iska kaashadeen ciidanka xoogga iyo saaxiibada Caalamka ee Mareykanka lagu khaarijiyay 10 xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaadka Shabaab.

Saraakiil u hadlay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in horjoogayaasha la dilay oo kooxda u qaabilsanaa abaabulka qaraxyada iyo weerarada ka dhaca magaalada muqdisho, kuwaasi oo halis ku ahaa nolosha shacabka kunool caasimadda.

Falanqeeyasha ka fallooda arrimaha amniga Soomaaliya ayaa qaba in dowladda iyo saaxiibada Mareykanka ay wiiqeen awoodii kooxda mintidiinta Al-Shabaab ee xiriir la leh Ururka Alqaacida, waxaana maleeshiyaadka dhowr jeer guuldarro dhabarka loogu saariyay howlgalo lagu naafeeyay kooxda halista ku ah jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

Ikraan Cali Xaashi, Webmaster Dalsan, Mogadishu Somalia

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor