Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa Maanta waxaa halkaas uga bilowday kulamo gooni gooni ah.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulan la qaatay Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga Adduunka, Hafez Ghanim,iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo dhowr.
Kulankan ayaa waxaa sigaar ah looga hadlay habsami u socodka barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya iyo dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed ee hay’adaha dowliga ah.
Sidoo kale inta halkaas uu ku sugan yahay Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu kulamo kale la yeelan doonaa saraakiil sare oo ka tirsan dawladda Mareykanka iyo qaybo kale oo kamid ah bah-wadaagta Soomaaliya, si loo dardar-geliyo ajandaha qaran ee dub-u-habaynta hay’adaha dawladda.