Ciidamada Puntland iyo Kuwa shisheeye oo wada dhaq-dhaqaaqyo ay ku soo furanayaan Markab lagu heesto deegaanada maamulkaasi

Wararka aynu ka heleyno deegaano ka mid ah maamulka Puntland ayaa ku waramaya in ciidamada maamulkaas, iyo kuwo Ajaaniib ah ay wadaan howlgal ay doonayaan inay ku soo furtaan Markab Shidaal oo dhawaan kooxo Burcad-badeed ka afduubteen deegaanada maamulkaas.

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa sheegay inay weerar ku yihiin kooxda ka danbeysay afduubka, islamarkaana ay doonayaan inay ka soo furtaan markabkaas kooxda Burcad-badeeda,iyagoo sheegay in howlgalo gaar ah ay socdaan laguna doonayo in markabkaasi lagu soo qabto.

Koox Burcad-badeed soomaali ah ayaa dhawaan markabkaasi ka afduubtay xeebaha Puntland, waxaana la sheegay in kooxda ay ku heysato deegaanka Caluula oo ka mid ah Puntland,iyagoo dalbanayo in laga siiyo lacag madax furasha ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media