Telefishinka CNBC ee dalka Maraykanka ayaa shaaciyey in Ciiddanka Sirdoonka Maraykanka qorshahooda qeyb ka yahay sidii Saraakiisha Maaliyadda iyo kuwa Sirdoonka Somalia loo bari lahaa Teknoolajiyadda lagu ogaan karo Lacagaha Dollarka Maraykanka ee la been abuuray.
Sirdoonka CIA-da ayaa hawshaasi fulinaya iyagoo qeyb ka ah Hawlaha ay Hay’adda Lacagaha Adduunka (IMF) ku doonayso in dib loo daabaco Lacagaha Shillin Soomaaliga.
Hay’adda IMF ayaa horey u sheegtay in 98% Lacagaha Shillin Soomaaliga ee haatan la isticmaalo yihiin kuwo Macmal ah oo la been abuuray.
Somalia ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u habayn lahayd Nidaamka Lacagaha, waxayna Somalia ka mid tahay dalalka ugu saboolsan Caalaqmka, sida lagu xusay Xogta Bangiga Adduunka.
Sidoo kale, Hay’adda La-socota Hufnaanta ee Transparency International waxay Somalia ku tilmaamtay dalka kaalinta ugu hooseysa kaga jira Waddamadda ugu musuqa badan Caalamka,
Madaxa Hay’adda Lacagaha Adduunka (IMF) ugu qaabilsan Somalia, Mohamed El-hagi oo isagoo ku sugan Nairobi Khadka Telefoonka kula hadlay Telefishinka CNBC ayaa sheegay inay Saraakiil ka socda Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da ay  bishii February ay Nairobi tababar ku siiyeen Saraakiil ka socotay Somalia, kaasi oo ku aadanaa Teknoolajiyadda lagu hubin karo Dollarka Been Abuurka ee la farsameeyo.
Xilliga tababarka la qabanayey ayaa ku soo beegmay Hawlgal ay Saraakiisha Hay’adda NISA ku soo qabteen Rag haystay Wershad lagu daabaco Dollarka Macmalka.
Madaxa Hay’adda Lacagaha Adduunka (IMF) ee Somalia, waxa kale oo uu sheegay inay Saraakiisha Hay’addaha Maaliyadda ee Somalia siiyeen Taageero Farsamo oo ku aadan Hawlgalka Dib-u-habaynta Lacagta Shillin Soomaaliga.
Dhinaca kale, Haatan Shillin Soomaaliga ayaa noqday qaabka 3-aad ee ugu badan ee Mushaar-bixinta Somalia, kadib, Dollarka Maraykanka iyo Lacagaha laga diro Nidaamka Adeegga Xawillaadda ee Mobayladda.
Bangiga Dhexe ee Somalia ma laha wax Awood Kontorool oo ku aadan Jaan-goynta Qiimaha Sarrifka Lacagaha, inkasto oay Hay’adda IMF haatan ku hawlan tahay Dib-u-dhiska Kaalinta Bangiga dhexe ee Somalia ee dhinaca Lacagaha.
Mohamed El-hagi waxa uu ku xaqiijiyey Wareysiga uu siiyey Telefishinka CNBC in lagu guda-jiro Wejiga 1-aad ee samaynta Lacagta cusub ee Shillin Soomaaliga,isagoo sheegay in la soo daabici doono oo keliya Lacagta 1,000 Shillin Soomaaliga oo keliya, oo haatan sarrifkiisa Dollar ahaan u dhigma 5 senti (5 US cent).
©Radio Dalsan