Askari Ugandese ka tirsanaa AMISOM oo la jir-dilay oo lagu xukumay 20-sanno..

Saraakiil ka socday Maxkamadda Milliteriga Uganda oo isbuucii hore soo gaaray Muqdisho ayaa waxay xukun ku rideen Askari lagu magacaabo Majid Sebyara, kaasi oo ay horey u jir-dileen Saraakiil ka tirsan AMISOM.

Askarigaasi oo ah Aabe 33-jir leh 3 carruur ah ayaa horey u sheegay inuu ragganimadiisa ku waayey Jirdilka loo geystay, wuxuuna soo bandhigay Dukumentiyo Laba Isbitaal oo baaritaano ku sameeyey xaalladiisa caafimaad.

Wargeyska The Monitor ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa markii ugu horreysay Dhacdadan daabacay bishii December ee sannadkii hore, waxayna arrintan soo jiidatay Indhaha Hay’addaha Xuquuqda Aadanaha.

Saraakiisha Maxkamadda Milliteriga Uganda ayaa waxay Jimcihii la soo dhaafay xukunka Kiiskaasi kaga dhawaaqeen magaalladda Muqdisho, waxayna Askariga ku xukumeen Xabsi 20-sanno.

Wararka waxay sheegayaan in Askariga maalintii Sabtida ee la soo dhaafay dib loogu celiyey Uganda, waxaana la dhigay Xabsiga Dhexe ee Luzira oo ku yaalla magaalladda Kampala.

Dhinaca kale, Qareen Ivan Mugabi oo u doodayey Askariga la xukumay ayaa sheegay inuu ka argagaxay markii uu maqlay in Askariga lagu xukumay 20-sanno.

Waxa uu intaasi ku daray inay Rafcaan ka qaadan doonaan Xukunkaasi, isla markaana uu dib u eegis ku samayn doono Xukunkaasi oo uu ku tilmaamay Tacadi ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha.

Dhibaataynta Askarigaasi ayaa bilaabantay bishii June 12-dii ee sannadkii 2015-kii, kadib, markii Askarigaasi lagu soo eedeeyey Hub laga waayey Saldhig ay Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah AMISOM ku lahaayeen Gobalka Sh/hoose.

Saraakiisah Xeradda waxay ku eedeeyeen Askarigaasi inuu Rasaasta Lidka Diyaaradaha ka iibiyey Nin Somali, iyadoo ay Askar kale ku markhaati fureen.

Sawiro lagu soo bandhigay Wargeyska The Monitor ayaa muujiyey in Askarigaasi loo geystay Jir-dil xooggan, lana marsiiyey Ciqaab Milliteri oo aad u adag.

Askariga gacmahiisa waxaa ka muuqda fiilooyinkii lagu xiray, iyadoo qeybta ragganimadda ka muuqdeen calaamado madow, waxaana kaadidiisa la socotay dhiig.

Askariga waxa uu tilmaamay in jawaan 15-kiilo ah laga soo laalaadiyey inta u dhexeysa labadiisa lugood.

Xigasho: Daily Monitor

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media