Maduro ayaa la filayaa in uu doorashada mar kale isu soo taago sannadka soo socda
Dawladda Canada ayaa ku dhawaaqday in ay eriday safiirka Venezuela Wilmer Barrientos Fernández iyo Ángel Herrera oo shaqada ku siisimayay.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Canada Chrystia Freeland ayaa sheegtay in qorshahaasi uu aargoosi u yahay dublamaasigii ugu sareeyay safaaradooda oo dhawaan laga soo eryay Caracas.
Venezuela ayaa Canada ku eedaysay in faraha kula jirto arrimaha dalkeeda.
Canada ayaa iyaduna xukuumadda Nicolás Maduro ku eedaysay in ay gaysanayso arrimo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
“Dadka Canada indha ka qabsan mahayaan dawladda Venezuela oo meel uga dhacaysa xuquuqdii aasaasiga ahayd ee dimuqraadiyadda dadkeeda kana hor istaagaysa xuquuqdii aadanaha ee aasaasiga ahayd,” ayay war qoraal ah ku tiri Freeland.
“Anaga oo kaashanayna dalalka aan xulafada nahay ee gobolka ayaan sii wadaynaa in aan cadaadis saarno dawladda Maduro ee dimuqraadiyad diidka ah si loo soo celiyo xaqii ay lahaayeen dadka Venezuela.”
Freeland ayaa sheegtay in danjire Barrientos uu hadda ka maqan yahay Canada isla markaasna aan loo ogolaan doonin in uu dib ugu soo laabto, halka Herrera oo ku sime u ahaana la waydiistay in uu dalka isaga baxo.