Waxaa Magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya maalintii labaad ka socda Shirka Madaxweyneyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana shirkaani Madaxdu kaga arrinsanayaan caqabadaha ku xeeran qabsoomida doorashada.
Madaxweynayaasha oo maanta kulamo gaar gaar ah la yeeshay mas’uuliyiin kala duwan ayaa  la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare Ahna Guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran  Cabdi Xaashi iyo Golaha Siyaasiyiinta Somaliland.
Shirka Madaxweynayaasha iyo kulamada ay la qaadanayaan Masuuliyiinta ayaa ah xal u raadinta arrimaha taagan ee la isku khilaafsan yahay.
Shirka Wadatashiga Madaxweynayaasha Dowlad Goboledyada iyo Dowladda dhexe ayaa la filayaa in uu furmo, waxaana wali socda shirarka gaar gar ah ee ay leeyihiin Madaxda ka qayb galaya shirka, iyadoo Madaxweyne farmaajo uu horay Ergo ugu diray Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo horay u diiday in ay shirk aka qayb galaan.