Saacadihii la soo dhaafay waxaa bilaawday cabsi xoogaan oo soo wajahay dadka ku haray degmada Afgooye iyo deegaanada kale ee ku hareereysan, ka dib markii ay kordheen biyaha wabiga shabeelle oo horay ugu fatahay deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Mid kamid ah Odayaasha dhaqanka Degmada Afgooye oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu sheegay in in biyaha wabiga ay la socdaan xayawaano dad cun ah oo dhawaan la tilmaamay in ay cuneen gabar yar, wuxuuna intaa ku daray in sidoo kale laga cabsi qabaa inay ka dhashaan cuduro maadaama adeegyadii caafimaadka guud ahaan ay biyaha qaadeen biyaha.
Inta badan xaafadaha ay ka koobantahay Degmada Afgooye ayaa laga barakacay kaddib markii ay saameeyeen fatahaadaha wabiga shabeelle, waxaana socda gurmad ay sameeynayaan dowlad goboleedka Koofur galbeed ,maamulka Gobolka iyo kan degmada oo wada qeylo dhaan iyo gurmad si wax looga qabto xaalada cakin ee ka taagan gobolka Shabeellha Hoose.
Dowladda Soomaaliyeed ayaa iyane dhankeeda ku biirtay gurmadka dadka ka barakacay Afgoyee iyadoo lacag dhan 500,000 ama Nus bilyan ugu deeqday dadkaasi u baahanyahay gurmadka deg deg ah.