Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa War qoraal ah oo kasoo baxay waxaa lagu sheegay in dhammaan shaqaalaha kala duwan ee dowladda loo fasaxay Ciidda Carafo awgeed, oo ku aaddan maalinta Jimcaha 31 July.
“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay ku wargelinaysaa dhammaan Shaqaalaha Hay’adaha Dowladda iyo Shaqaalaha Hay’adaha gaarka ah loo leeyahay in ay tahay fasax yihiin Ciidda Carafa oo ku aaddan maalinta Jimcaha 31 July, Maalmaha fasaxa waa Sabtida iyo Axadda, Waxaan u rajeynaynaa Shaqaalaha Soomaaliyeed inay ku ciidaan farxad iyo nabad” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda.
Sidoo kale Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa shaqaalada dowladda iyo kuwa hay’addaha gaar ah u rajeesay inay ku ciidaan farxad iyo nabad.
Maalinta Jimcaha ee soo socota ayay ku beegsan tahay Maalinta Koowaad ee Ciidda Carafo, isla markaana waxaa Banka carafo la istaagi doonaa Khamiista soo soco ee todobaadkan, waxaana Ciiddaan ay ku soo aadeysaa xili uu jiro Cudurka COVID-19.