Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha oo kormeer ku tegay Dekadda

Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahaana Ra’iiusl Wasaare ku-xigeenkii hore ee dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Maanta kormeer shaqo ku tegay Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Kormeer uu tegay Dekadda Mahdi Maxamed ayaa waxaa ku wehlinayay Siihayaha xilka Wasiirka Wasaaradda Xukuumadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda.

Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha ayaa u kuur galay sida ay u socdaan howlaha kala duwan ee Dekadda Magaalada Muqdisho, isagoona kulan la qaatay maamulka Dekada oo ka warbixiyay howlaha socda.

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa tan iyo markii si KMG ah loogu Magacaabay Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha waxaa kormeer ku tegay Xarumo kala duwan oo ay leedahay dowladda Federaalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media