Wasiiradda Gaashaandhigga iyo Amniga Qaranka ee dalka Burundi, Emmanuel Ntahomvukiye iyo Alalin Gulliaume Bunyoni ayaa ku goodiyey inay Ciiddankooda Nabad-ilaalinta kala soo bixi doonaan dalalka Somalia iyo Afrikadda Dhexe.
Labada Wasiir waxay arrintaasi ku sababeeyeen arrimo la xiriira Hoggaaminta, iyagoo tilmaamay inaysan Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM wax Darajo Hoggaamineed ku dhex lahayn AMISOM.
“Ciiddanka Burundi xilal Hoggaamineed lagama siinin Hawlgalka AMISOM, waxaa kaloo jira dhibaato kale oo ku aadan sidii Ciiddanka Burundi si toos ah mushaarkooda loogu shubi lahaa Xisaab-lacageedkooda” ayuu yiri Wasiirka Difaaca ee dalka Burundi.
Waxa kale oo uu sheegay in Tallaabadda Ciiddanka Burundi looga soo saarayo Somalia u baahan tahay in Wada-xaajood lagala yeesho Ururka Midowga Afrika, Muwaadiniinta iyo Barlamaanka Burundi.
Dhinaca kale, Wasiirka waxa uu sheegay inaysan Ciiddankooda jooga Somalia helin wax mushaar ah, kadib, markii ay Midowga Europe joojiyeen Mushaarkaasi.
Xiisadda ayaa ka dhalatay, kadib, markii Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza markii 3-aad loo doortay Madaxweynaha dalkaasi bishii April ee sannadkii hore, waxayna tallaabadaasi abuurtay inay Dowladah Midowga Europe Taageeradii Dhaqaale ee ay siin jireen Dowladda Burundi iyo Ciiddankooda ka jooga dalka Somalia.
©Radio Dalsan