Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa maanta bilowday Dhegeysiga Rafcaan ay soo buuxiyeen Labo Ururo Bulsho Rayid ah oo ka horjeeda Go’aanka ay Dowladda Kenya ku xirayso Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab.
Guddiga Kenya ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha iyo Ururka taageeradda Sharciga ee Kituo Cha Sheria ayaa buuxiyey Dacwadaasi, waxayna sheegeen in Go’aanka lagu xirayo Xeradaasi tahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka.
Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa qeyb ka ah Dacwadaasi, waxayna sheegtay inuu Go’aankaasi ka hor imaanayo Sharciga Caalamiga ee Xuquuqda Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka.
Ku-xigeenka Agaasimaha Xafiiska Amnesty International ee Bariga Afrika, Michelle Kagari ayaa sheegay haddii la xiro Dhadhaab inay taasi masiibo ku tahay Kumanaanka Qaxootiga halkaasi ku nool, oo aan aqoonin meel kale oo ay aadaan.
“Dib-ugu celinta Qaxootogaas ee Somalia ma aha mid ay raalli ka yihiin, waxaana lagu khasbayaa inay laabtaan, iyadoo ay weli jiraan xaalladihii ay markii hore uga carareen oo aan weli soo hagaagin” ayuu yiri Mas’uulkaasi.
Wuxuuna intaasi ku daray in Tallaabadda Maxkamadda soo dedejin doonto inay Dowladda Kenya dib u eegaan Go’aankooda iyo Waajibaadka Caalamiga ee ka saaran Badbaadinta Qaxootiga.
Dowladda Kenya waxay bishii May 6-dii sheegtay inay Xeradda Dhadhaab xiri doonaan bishan November 30-da.
In ka badan 260,000 oo Qaxooti Soomaali ah ayaa ku nool Xeradda Dhadhaab, kuwaasi oo la doonayo in dib loogu celiyo dalkooda hooyo.
©Radio Dalsan