War-saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Dowladda Britain ku leedahay Somalia ayaa lagu sheegay in la bilaabay Barnaamij lagu xoojinayo Nidaamka Caafimaadka, laguna kordhinayo helitaanka Tayadda Adeegga Caafimaadka ee Somalia.
War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Barnaamijka Caafimaadjka Somalia iyo Nafaqaynta Somalia (The Somali Health and Nutrition (SHINE) looga dan leeyahay in lagu hagaajiyo Heerka Caafimaadka iyo Nafaqada ee Somalia, iyadoo si khaas ah diiradda loo saarayo Haweenka iyo Carruurta.
Barnaamijka Caafimaadka iyo Nafaqeynta ee SHINE oo ay hoogaaminayaan Hay’addaha Caafimaadka ee Somalia waxaa laga fulin doonaa Goballadda Banaadir iyo Galgaduud, iyadoo Hay’adda Samafalka MERCY ee laga leeyahay dalka Maraykanka hawsha ka fulin doonto Gobalka Galgaduud, halka Hay’adda Action Against Hunger (AAH) ka fulin doonto Gobalka Banaadir.
Hay’adda Dowladda Britain ugu qaabilsan Gargaarka ee UKAid ayaa maalgelinaysa Barnaamijkaasi oo Somalia ka bilowday sannadkii 2016-kii, wuxuuna socon doonaa ilaa sannadka 2021-ka.