Faah faahin:-Qarax lagu dilay Askar Kenyan ah oo ka dhacay duleedka Gaarisa

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Ciidamo ka tirsan Kenya lagula eegtay duleedka Magaalada Garissa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Qaraxaasi oo ahaa Miino nooca dhulka lagu aasay ayaa waxaa Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Kenya lagula eegtay xili ay socdaal ku marayeen wadada xiriirisa deegaanka Kulan iyo Libooye Kenya.

Sidoo kale qaraxaas ayaa waxaa la sheegay in ku burburay mid kamid ah gaadiidkii ay la socdeen Ciidamada,waxaana Khasaaro uu soo gaaray Askartii la socotay gaarigaas.

Ugu yaraan 10 Askari oo ka tirsan Ciidanka ayaa ku dhintay qaraxii ka dhacay duleedka Magaalada Garissa,waxaana ku dhaawacmay tirro intaas ka badan oo weli la shaacin.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii miinada ahaa ee lala eegtay Ciidankii Kenya,iyagoona sheegtay in halkaas ay ku dileen 10 Askari,halka tirro kalena ay ku  dhaawaceen.

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka Kenya oo ay uga hadlayaan  qaraxii lala eegtay Ciidankooda,kuwaasi oo socdaal ku marayay wadada xiriirisa deegaanka Kulan iyo Libooye Kenya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media