Dhageyso:-Ganacsato Jawaab ka bixisay hal kasoo yeeray Ra’iisul Wasaare Kheyre

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay xubno ganacsato  oo kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed,waxaana kulankaas looga hadlay hadal dhawaan kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ganacsatadan ku shiray Muqdisho oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lacago farabadan ay ku leeyihiin dowladda Soomaaliya,kadib markii dhawaan Ra’iisul Wasaare Kheyre uu sheegay in dowladda wax deyn ah lagu laheyn,isla markaana ay bixisay deymihii lagu lahaa.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dowladda ay ku leeyihiin lacag dhan 7 milion oo doollar,iyagoo xusay in qaar kamid ah lacagtaas ay ka qaadeen dadka Soomaaliyeed haatana lagu heysto.

Hadalka kasoo yeeray Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay ku tilmaameen mid aan waxba ka jirin oo been abuur ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa horey u sheegay in dowladda aan lagu laheyn wax deyn,isla markaana bixiyeen lacag dhan 100 milyan oo dollar oo lagu lahaa dowladdihii iyaga ka horeeyay.

 

Hoos ka Dhageyso Codka Ganacsatada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media