Warbixin ay soo saartay Hay’adda Badbaadinta Suxufiyiinta (CPJ) ayaa lagu sheegay in 259 Saxafi sannadkan sii dhamaanayo la xirayo, taasi oo ka badan Suxufiyiinta la xiray sannadkii hore, kuwaasi oo dhamaa 1991 Saxafi.
Waana tiradii ugu sarreysay tan iyo markii ay CPJ bilowday inay diiwaan geliso Tacadiyadda loo geysto Suxufiyiinta sannadkii 1990-kii.
Warbixinta ayaa lagu xusay in ugu yaraan 81 Saxafi sannadkan lagu xiray dalka Turkiga, iyadoo ay Dowladda horey u soo rogtay Xukunka Degdegga.
Warbixinta CPJ waxaa kaloo xusay in uu dalka Shiinaha yahay Waddanka Labaad ee sannadkan lagu dhibaateeyey Suxufiyiinta, iyadoo 38 Saxafi xabsiga la dhigay.
Dalka Masar ayaa Kaalinta 3-aad ku jira, iyadoo 25 Saxafi lagu xiray sannadkan.
©Radio Dalsan