Iyadoo dhowr isbuuc laga joogo Weerarkii Alshabaab ku qaadeen Ciiddankii Kenyanka ee ku sugnaa Xero ku taallay Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo ayaa waxay Dowladda Kenya weli ka aamusan tahay in la shaaciyo Tirada dhabta ee Ciiddankii kaga geeriyooday Ceel-cadde.
Hoggaamiyaha Xisbiga Ford Kenya, Senator Moses Wetang’ula kana tirsan Aqalka Senedka ee Barlamaanka dalkaasi ayaa ugu baaqay Madaxweyne Uhuru Kenyatta in ay Dowladda shaaciso tirada rasmiga ee Ciiddanka Kenya looga dilay Somalia.
Hoggaamiyaha Aqlabiyad yar ku leh Aqalka Senatka Kenya, waxa uu tilmaamay inuu Uhuru Kenyatta mas’uul ka yahay Kiiskaasi, loona gubdiyey Tirada Askarta Kenyanka ee ay Alshabaab ku dileen Somalia.
“Waa wax aad u xanuun badan in Ciiddanka Kenya la dilay, xilli uu Madaxweynuhu u joogay Mombasa Ololahiisa Siyaasadda” ayuu yiri Mas’uulkaasi oo laga soo doorto Gobalka Bungoma ee Galbeedka Kenya.
Waxa uu carrabka ku dhuftay in Qoysaska Askarta loo diray Somalia doonayaan in lala wadaago Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Alshabaab ee ay bishii hore ee Janaayo 15-dii ku dileen, kuna dhaawaceen Ciiddankii Kenya ee joogay Xeradda Ceel-cadde.
“Dowladda ha oggolaato inay na siiyaan Tirada Askarta ee la dilay” ayuu yiri Hoggaamiyaha Xisbiga Ford Kenya, oo intaasi ku daray in 5 ka mid ah Askarta la dilayka soo jeedaan Gobalka Bungoma.
Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Xisbiga Ford Kenya, Senator Moses Wetang’ula waxa uu tilmaamay in tirada kale ee Askarta lagu dilay Weerarkaasi ka soo kala jeedaan Goballadda kale ee Kenya.
Si kastaba ha ahaatee, Alshabaab waxay sheegeen inay 100-Askari oo Kenyan ah ku dileen Weerarkii Ceel-cadde, isla markaana ay kuwo kale Maxaabiis ahaan u qabsadeen.
©Radio Dalsan