Booliska Soomaaliya oo Shaqada ka Eryay Askar Maalin Soon ah Balwad Isticmaashay

Taliska Ciidanka Boliiska ayaa Bulshada la wadaagay xogta iyo sawirada labo Askari, kuwaasi oo shaqada Ciidanka laga eryay,kadib markii lagu eedeeyay falal kala duwan oo ka fog anshaxa Ciidanimo.

Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in Cabdi Saaq  Aadan Calasoow iyo Cabdullahi Maxamed Axmed laga ruqseeyay shaqadii Ciidanimo ee ay hayeen.

Waxaana Qoraal kasoo baxay Taliska lagu sheegay in shaqada laga eryay Cabdi Saaq  Aadan Calasoow iyo Cabdullahi Maxamed Axmed  kadib markii ay ku kaceen fal akhlaaq-daro iyo anshax xumo ah, ayna jabiyeen waajib diini ah kadib markii ay maalin soon ah  bulshada dhaxdeeda  balwad iyo cuno xaaraam ah ku dhex cuneen , ayadoo aysan jirin sabab Caafimaadaro”.

War ka soo baxay taliska ayaa lagu yiri” Waxaa lagu wargalinayaa Hay’adaha Amaanka Caasimadda iyo shacabka ku nool Caasimadda, in Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed laga ruqseeyay labada askari oo magacooda iyo sawirkooda hoos ku xusanyihiin, ayadoo loo cuskanayo xeerka Ciidanka Boliiska, kadib markii ay ku kaceen fal akhlaaq-daro iyo anshax xumo ah, ayna jabiyeen waajib diini ah kadib markii ay maalin soon ah  bulshada dhaxdeeda  balwad iyo cuno xaaraam ah ku dhex cuneen , ayadoo aysan jirin sabab Caafimaadaro”.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor