Warbixin uu Ban Ki-moon shalay u gudbiyey Golaha Ammank ee QM ayaa lagu sheegay inay Diyaaradaha Dagaalka Kenya duqeyn ku dileen 9 qof oo Rayid ah oo ay ku jireen 4 carruur ah.
Warbixinta oo ku saabsanayd Arrimaha Somalia ayaa soo koobaysay Xaalladda Somalia muddadii u dhexeysay bishii May 1-dii ila bishii August 31-dii eee sannadkan, waxaana lagu xusay in dadkaasi lagu dilay duqeyn ka dhacday Gobalka Gedo.
Ban Ki-moon waxa uu hoosta ka xariiqy inay Odayaasha Deegaanka sheegeen inay dad rayid ah ku geeriyoodeen Duqeymahaasi,
Warbixinta waxa kaloo lagu xusay inay Diyaardaha Kenya qaadeen duqeymahaasi iyadoo uusan Taliska Hawlgalka AMISOM ka warqabin.
Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya waxy duqeymihii ugu cuslaa ka geysteen qeybo ka mid ah Gobalka Gedo bartamihii bishii Janaayo ee sannadkan, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab weerar ku dileen tiro ka mid ah Askartii Kenyanka ee Fariisinka ku lahaa Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.
Saraakiisha Kenya waxay xilligaasi ku eedeeyeen Dadka Deegaanka inay ku lug lahaayeen Weerarkii ay Alshabaab ku qabsadeen dhamaan Gaadiidkii Dagaalka iyo Hubkii yaallay Saldhigii Ceel-cadde.
©Radio Dalsan