Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta kulan ku leh Magaalada Muqdisho

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxa ay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ku yeelaan doonaan kulankoodii caadiga ahaa.

Ajendaha kulanka Maanta ayaa ah Akhrinta Koowaad ee Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda (PFM)

Xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay in Kulanka Maanta ay soo xaadiraan,waxaana la filayaa in uu hortago Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabiraxman Ducaale Beyle.

Saacadaha  soo socda ayaa la filayaa in uu kulanka furmo,waxaana Baarlamaanka weli horyaalla Hindise Sharciyeedyo kale kuwaas oo dhamaantood Baarlamaanka la horgeyn doono.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media