Axmed Madoobe iyo Mareykanka oo ka shiray la dagaalanka Al-shabaab

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta oo talaado ah kulan la qaatay Sarakiisha Ciidamada Mareykanka ee ka howlagala deeganada Jubbaland.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Sareeye guuto Maxamed Cabdi Sheekh Taliyaha guud ee Ciidamada Jubaland iyo Gaashanle sare Maxamed Guuleed Xasan Taliye ku xigeenka Ciidamada Jubaland.

Kulankan waxaa lagaga hadlayay sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyadoo iskaashi buuuxa laga samaynayo sidii loo dardar galin lahaa howlgalada ka dhanka ah Shabaabka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee ka howlagala deeganada Jubbaland uga mahadceliyay shaqada ay halkaas ka wadaan.

Comments
Loading...