Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee galabta halkaas lagu dilay ruux Arday ahaa.
Ardayda la dilay ayaa waxaa la sheegay in uu kamid ahaa Ardaydii saakay u fariisatay Imtixaanka fasalka sideedaad ee Dugsiga dhexe,isagoona u gudbi lahaa dugsiga Sare.
Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Arday-ga dilay xili uu ku sugnaa Xaafad ka tirsan Boosaaso,waxaana uu dhigan jiray Iskuul lagu magacaabo Towfiiq oo ku yaalla magaaladaas.
Allaha u naxariistee Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sulaymaan Maxamed Bootaan,iyadoo ragii ka dambeeyay dilkiisa goobta ay baxsadeen sida dadka deegaanka ay sheegeen.
Wuxuu ku jiray 4,138 Arday oo saaka u fariistay Gobolka Bari imtixaanka shahaadiga ee fasalka 8-aad ee dowlad Goboleedka Puntland,waxaana tirada guud ee Imtixaanka Madaxweyne Saciid Deni u furay ay ahaayeen in ka badan 15,800 oo Arday.
Ilaa iyo hada ma jirto cid loo soo qabtay dilkii gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari loogu geystay Arday waxka baran jiray Iskuulka Towfiiq ee Boosaaso.