Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka dalkaasi ayaa ku cadaadinaya Madaxweyne Yuweeri Kaguta Museveni sidii uu Maamulka Somaliland ugu aqoonsan lahaa dal ka madax bannaan Somalia.
Shabakadda Wararka ee busiweek.comayaa qortay inay Xildhibaanadaasi ka codsadeen Madaxweyne Museveni inuu bilaabo sidii uu ugu aqoonsan lahaa Somaliland dal madax-bannaan iyo sidii Ganacsi loola yeelan lahaa.
Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Uganda ayaa haatan ku sugan Hargeysa, iyagoo ka qeyb galaya 28-guuradii ka soo wareegtay Gooniisku-taagga Somaliland ku sheegteen inay kaga go’een qeybaha kale ee Somalia, inkastoo aysan weli Beessha Caalamka ka helin Ictiraaf.
Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda ee Barlamaanka Uganda, Hood Katuramu Kiribedda oo hoggaaminayo Xildhibaanadda ku sugan Hargeysa ayaa sheegay in la joogi xilligii ay Ugnada iyo Ururka Midowga Afrika u aqoonsan lahaayeen Somaliland sidii Waddan Madax-bannaan oo kale.
Waxa uu hadalkaasi ka sheegay markii Wafdiga Uganda lagu qaabilay Dhismaha Barlamaanka Maamulka Somaliland ee magaalladda Hargeysa.
6 xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Uganda ayaana ku sugan Hargeysa oo lagu casuumay, si ay uga qeyb galaan 28-guuradii ka soo wareegtay Gooni-isku-taagga Somaliland.
Dhinaca kale, Xildhibaan Akurut Violet Addoome waxa uu tilmaamay in Somaliland oo la timid dhamaan waxyaabihii muhiimka u ahaa in la aqoonsado Dal Madax bannaan uu la yaaban yhaay waxa loo ictiraafi lahaa, iyadoo horey ay Ganacsi uga bilaabeen Maalgashadayaal ka ka yimid dalalka Afrika, Bariga Dhexe iyo Europe, kuwaasi oo aan Aqoonsi Caalami ah siinin.
Waxa uu intaasi ku daray inay Madaxweyne Museveni ka baryi doonaan in la dhaqaajiyo sidii Somaliland loo ictifaari lahaa.