Akhriso:-Ajendayaasha kulanka Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka

Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa la filayaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa oo si KMG ah ugu shaqeeyaan Golaha Baarlamaanka.

Sida uu qorshahu yahay Ajendaha kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay U codeynta xubnaha Guddiga adeega garsoorka iyo Sidoo kale u codeynta xubnaha Guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa.

Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Akhrinta saddexaad marsiin doonta Hindise sharciyeedka notaayooyinka Soomaaliyeed oo horey Xildhibaanada ay Akhrinta koowaad iyo labaad u marsiiyeen.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan Golaha Barlamaanka kula dar daarmay in xoogga la saaro dar dargalinta howlaha uharsan golaha maadaama uu waqtiga u aharay golaha uu gabaabsi yahaya lagana rabo in la dhameystiro howlaha horyaala.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media