Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxa qarax khasaaro dhaliyay laga maqlay qeybo ka mid ah deegaanka Carbiska oo u dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Qaraxaan ayaa yimid ka dib markii Caruur ay ku ciyaarayeen Bam Gacmeed ay ku qaraxday, waxaana dadka deegaanka qaarkood oo dalsan la hadlay ay sheegeen in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen Saddex ka mid ah Caruurtii Gargaraaceysay.
Caruurtaan ayaa ka mid ahaa Qoysas danyar ah oo ku nool Kaam ku yaalla deegaanka Carbiska waxaana Goobta ay bambada kula qaraxday u dhawaa Saldhig ay leeyihiin ciidamada AMISOM.
Caruurtii ku waxyeeloobay qaraxaasi Bambaano ayaa la geeyay goobaha Caafimaad ee ku yaalla degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose si loogu daweeyo.