AMISOM oo walaac ka muujisay gaabiska Kaalmadda Deeq-bixiyayaasha ee Hawlgalka Somalia.

 

Saraakiisha sarsare ee Taliska AMISOM ayaa waxa uu Kulan muhiim ah ku leeyihiin Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi oo ay dib ugu eegi doonaan Miisaaniyadda Hawlgalkooda ee sannadkan 2017-ka.

Kulankaasi oo socon doona muddo 5 maalmood waxay Ka-qeyb-galayaasha dejin doonaan Faahfaahinta Qorshha iyo Miisaaniyadda.

Ergayga Khaaska ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador Francisco Madeira ayaa sheegay inay doonayaan iny qorsheyeeyaan Faafinta shaqada Unug kasta oo ka tirsan AMISOM.

War-saxaafadeed uu ka soo saaray  magaalladda Nairobi ayuu ku sheegay inay sii kordhayaan dhibaatooyinka maalgelinta tiro ka mid ah Barnaamijyadda AMISOM,  wuxuuna ku sababeeyeen Awoodda Deeq-bixinta oo aad u soo yaraatay.

Ergayga Khaaska ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador Francisco Madeira, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM waxa uu sheegay in la joogo xilligii ay Deeq-bixiyayaasha garwaaqsan lahaayeen inay iyagu qeyb ka yihiin Xal-u-helida Xiisadda ka jirta Somalia.

Waxa uu intasi ku daray inay Waajib tahy in laga wada shaqeeyo sidii ay Somlia u noqon lahayd Dowlad Waxtar leh, wuxuuna Deeq-bixiyayaasha xusuusiyey inaysn Degnanshaha Somalia tahay Hawl u taalla Midowga Afrika oo keliya.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media