Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Somalia, Michael Keating ayaa sheegay inay QM soo dhaweynayso, una hanblyeynayso Ra’isul-wasaaraha cusub ee DFS, Xasan Cali Kheyre.
Qoraal kooban oo uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu sheegay inay tallaabo wanaagsan tahay sida ay Barlamaanka u ansixiyeen RW Kheyre, isla markaana uu rajeynayo in dhawaan loo caleemo saaro Xilkaasi Insha Allaah.
Wuxuun intaasi ku daray inay RW Kheyre iyo Maamulka Cusub kala shaqayn doonaan caqabadaha badan ee ku soo fool leh.
Congrats Hassan Khaire 4 being approved by parliament! Greatly looking forward 2 working w him & new administration on many challenges ahead
Dhinaca Kale, RW Kheyre ayaa isagana Xildhibaanadda uga magad celiyey sida ay ugu codeeyeen Xilkiisa.
Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-kiisa ayuu ku sheegay in ugu dambeyntii ay isaga ansixiyeen 231 Xildhibaano ka tirsan Aqalka Hoose ee Barlamaanka.
Waxa uu sheegay inay ansixintaasi ahayd maalin Taariikhi ah.
Finally i have been approved by 231 members of lower house(Parliament) and i will be sworn soon Insha Allah.Thank you.Another historic day
©Radio Dalsan