Ninkaasi oo magaciisa lagu soo koobay Bilaal kuna nool magaalladda Gresham ee Gobalka Oregon ee dalkaasi ayaa la sheegay inuu ka been sheegay da’diisa, kadib, markii lagu sameeyey baaritaanka dhinaca Da’da qofka ee Raajadda Ilkaha ee Dental X-rays.
Bilaal oo haatan 18-jir ah waxa la xiray bishii August ee sannadkii 2015-kii, xilligaasi oo uu Maraykanka ka soo galay xuduudka ay la wadaagaan dalka Mexico, wuxuuna da’diisa ku sheegay 17-jir.
Bilaal oo codsady inaan la shaacinin magciisa oo saddexan cabsi shaqsi ahan waxa uu markii ugu horreysay ka soo socdaalay Somalia oo uu tegay Kenya, ugana sii gudbay dalka Koonfur Afrika, halkaasi oo uu ka soo raacay Diyaarad ku sii jeeday dalka Brazil.
Waxa uu u sii gudbay Koonfurta Amerika ilaa uu ka gaaro Xuduudka dalka Mexico la wadaagaan dalka Maraykanka.
he eventually boarded a plane for Brazil. From South America, he traveled solo to Mexico, making it to the U.S border in August 2015.
Dhinaca kale, Bilaal ayaa la sheegay inuu ka badbaaday in la soo masaafuriyo, kadib, markii ay Qareenadiisa ku guuleysteen in laga sii dayo Xabsigii lagu hayey oo ku yaalla Degmdd Tacoma ee Gobalka Washington.
Mid ka mid ah Qareenadiisa oo lagu magacaabo Denisse Guadarrama ayaa sheegtay inuu Bilaal nasiib ku helay waxa u uugu yeeray Cimilada Qaranka, kna badbaaday masaafurinta iyo Qorshaha Madaxweyne Trump ee ka dhanka ah Muhajiriinta sida shrci-darradda ugu nool Mraykanka.
Madaxweyne Donald Trump waxa uu bishii January 27-dii soo saaray amar lagu xayirayo inay dadka u dhashay 7 Waddan oo Muslim o oay Somalia ku jirto soo galaan dalkaasi.
©Radio Dalsan