War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Militariga Mareykanka Africa ee loo yaqaano AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in Duqeyn ay ka fuliyeen deegaanka Buur Ceelcade, kaas  oo u dhaxeeya Xabaal barbaar, Diinsoor iyo Buurhakaba balse waxaa Warkaas beeniyay Al-Shabaab.
Idaacadda Andulus oo ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa iyada oo soo xiganeysa Afhayeenka dhanka Howlgallada u qaabilsan Al-Shabaab oo lagu Magacaabo Cabdi Casiis Abuu Muscabâ€waxa ay gebi ahaanba sheegeen in aysan jirin wax duqeyn ah oo Gobolka Baay ka dhacday.
Sidoo kale Shabaab ayaa shegya in Warkaas uu yahay mid Mareykanka uu ku doonayo in uu ku daboolo guuldaradii ka soo gaartay dagaalkii ay la galeen sida lagu qoray Baraha ay Al-Shabaab Wararka ku qortaan.
Todobaadyadii la soo dhaafay Mreykanka ayaa kordhiyay duqeymaha uu ka fulinayo Gudaha Soomaaliya,waxaana Bishaan Gudaheeda dhacay in ka badan 10 Duqeyn oo uu Mareykanka sheegay in lagu dilay Rag ka tirsan Shabaab.