Madaxweynaha oo Shalay qaabiley wafdi ka socda urur goboleedka IGAD

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu shalay kulan la yeeshay wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo uu horkacayey Xoghayaha Guud ee ururka Mudane Maxbuub Macallin.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn wafdiga uga mahadceliyey doorka IGAD ay ka qaadato arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdiga ayaa ka wadahadley xaaladda Soomaaliya, Hiigsiga 2016 ee waddanka loogu qabanayo doorasho iyo halka ay marayaan barnaamijyada dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta ee waddanka ka socda.

Xoghayaha Guud ee IGAD, Maxbuub Macallin oo isna halkaasi ka hadley ayaa ammaaney horumarka dhanka siyaasadda iyo nabadgelyada ee ay Soomaaliya ku tilaabsatey, isagoo intaa raaciyey in IGAD aysan marnaba ka daali doonin taageerada ay u fidiso Soomaaliya ilaa iyo inta waddanka uu dib cagihiisa isu taagayo.

Kulanka ayaa ku dhammaadey jawi is-afgarad, waxaana goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno kale oo ka socdey IGAD.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]

unnamed  3

IB0A6126

IB0A6179

IB0A6124

IB0A6144

unnamed  9

unnamed  4

IB0A6103

IB0A6115

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor