Iyada oo Maanta ay ku beegneyd 21 November Maalinta Macalinka Soomaliyeed ayaa Bahda Waxbarashada dalka waxa ay Xus gaar ah u sameeyeen Pro Cali Xasan Maxamed oo ka mid ahaa Aas’aasayaashii Waxbarashada Soomaaliya oo dhowr Bilood ka hor ku geeriyooday Muqdisho.
Pro Cali Xasan Maxamed ayaa mudo ka badan 50 Sano ku howlanaa horumarinta Waxbarashada Soomaaliya isaga oo ahaa adeegaha Tacliinta Sare,isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay laamihii Waxbarashada ee Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Tacliinta Sare xiligii Kacaanka.
Hadaba Ing, Muqtaar Haaruun Cismaan oo ka mid ah dadkii la soo shaqeeyay mudo dheer ayaa Radio Dalsan uga sheekeeyay Taariikhdiisa oo kooban Allaha u Naxariistee Marxuum Pro Cali Xasan Maxamed.
Hoos Ka Dhageyso Codka Eng Muqtaar Haaruun Cismaan.