Guddiga Doorashada ee Soomaaliland ayaa Galabta si rasmi ah ugu dhawaaqay in Muuse Biixi Cabdi oo ka sharaxnaa Xisbiga Kulmiye uu ku guulaystay doorashadii dhacday 13-kii bishan.
Natiijada doorashadan ayaa maalmihii la soo dhaafay siweyn loo sugayy wallow Xisbiga Mucaaradka ee WADANI ay siweyn u dhaliilsan yihiin.
Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Soomaaliland Cabduqadir Iimaan Warsame ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada iyo codadla ay kala heleen Xisbiyada.
Dhanka kale Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Soomaaliland Muuse Bixii Cabdi ayaa u mahadceliyay dhamaan Xisbiyadii la tartamayay iyo guddiga doorashooyinka oo culeys badan wajahay.
Wararka hadda nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegaayn in Magaalooyinka Hargeysa Burco iyo Magaalooyin kale ay rabshado ka bilaawden isla markaana Ciidamadu ay dadka u adeegsanayaan rasaas nool nool.
Muuse Biixi oo sanadihiisa lixdamaadka ku jira ayaa noqonaya madaxweynihii shanaad ee Soomaaliland, isagoo ka guuleystay laba Murashax oo kale oo u ordayay xisbiyada Ucid iyo Wadani, Feisal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro, oo isagu shalay sheegay in doorashada qaabkii ay u dhacday aanu ku qanacsaneyn.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta oo uu diyaariyay Cabduqaadir Jakaarta isaga ayaana soo jeedinaya.