Wararka aan ka heleyno Gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaan ka tirsan Gobolkaas ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay halkaas ay la wareegeen dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa la wareegay gacanta ku heynta deegaan lagu magacaabo Cadakibir oo 60-KM dhinaca Bari ka xiga Magaalada Cadaado, iyagoona la sheegay in halkaas ay ka galeen dhowr jiho, ayna ku sugan yihiin.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in saakay ay arkayeen xubno ka tirsan Al-shabaab iyo gaadiid nooca Cabdi bilaha ah oo gudaha u soo galayay deegaanka Cadakibir, isla markaana mararka qaarkood la maqlayay dhawaq rasaas.
Wararka ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan in Al-shabaab ay goob fagaare ah isugu keeneen dadweyne farabadan, ayna Khubad u jeediyeen, waxaana la tilmaamay in fariisimo ay ka sameeysteen deegaanka.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Maamulka Galmudug oo ay uga hadlayaan la-wareegida Al-shabaab ee deegaanka Cadakibir oo 60-KM u jira Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.