Xoolo farabadan oo laga dhoofiyay Dekadda Magaalada Boosaaso

In ka badan 24-kun oo neef Geel ah ayaa habeenkii xalay aheyd laga dhoofiyay Dekadda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, kuwaasi oo laga kala keenay dhammaan deegaanada Maamulka Puntland.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland gaar ahaan Wasaaradda Dekedaha ayaa sheegay in Geela xalay laga dhoofiyay Boosaaso la geyn doono dalka Sacuudiga, isla markaana uu qaaday Markab nooca xamuulka ah.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale sheegay in xoolaha loo iib geyn doono dalal kale oo ka tirsan Khaliijka, iyagoona tilmaamay in Geelii laga dhoofiyay Dekadda Boosaaso baaritaan Caafimaad la marsiiyay.

Dad ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa soo weriyay in Dekadda ay maalmihii lasoo dhaafay ku soo xirteen Doonyo farabadan, kuwaasi oo la sheegay inay xoolo badan u qaadi doonaan dalalka Khaliijka gaar ahaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media