Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka hadashay falalka amnidarro ee ka dhacaya dalka iyo weerarada mararka qaar Al-Shabaab ka geystaan deegaano ka tirsan Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in gobolka Gedo uu ka mid yahay deegaanada ay haatan isugu soo aruureen Al-Shabaab,waxa uuna sheegay in ay ka weerar tagaan Al-Shabaab Gobolkaas.
Isaga oo sii hadlayay Wasiiru dowlaha Amniga Koonfur Galbeed ayaa waxa uu sheegay in Al-Shabaabka ku soo aruuray gobolka gedo uu Qatar ku yahay Amniga dalka iyo dowladaha deriska la\ah Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in qorshihii dalka looga saari lahaa Al-Shabaab haatan la dhameystiray,isla marakana ay ka wada tashadeen dowlad Goboleedyada dowaldda,Federaalka iyo dowladaha caawiya balse go’aanka ugu dambeeya laga sugayo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Maamulka Jubbaland.