20-ka disember ,waa astaan ka mid ah maalmaha qaran ee loo dabbaaldego xusuusta dhaxalgalka ah ee umadda,gaar ahaan aasaaska ciidamada Boliiska oo ka mid ah qeybaha ciidamada ee xilka iska saaray difaaca dadka iyo dalka,isla markaana door wax ku oolka ah ka soo qaatay dhalinta miraha xoriyadda ee aan harsaneyno.
Sanadkii 1943-diii ayeey aheyd markii la unkay dhismaha ciidan Boliis ah oo xilligaasi loo arkaayey in uu yahay midka ugu faca weyn ,isla markaana lagama maarmaan u ah aasaaska dowlad Soomaaliyeed oo ka mid noqota beesha caalamka.
Inkastoo aasaaska iyo dhismaha ciidamada la bilaabay xilligaasi,haddana waxaa jiray ciidamo Soomaaliyeed oo soo shaqeeyay xoriyadda ka hor,gaar ahaan waqtiyadii ay jireen maamuladii gumeysiga Ingiriiska iyo Talyaaniga ee kala qeybsaday geyigga.
Sanadkii 1950-kii waxaa mar kale gobolada koonfurta Soomaaliya ka bilowday dib u dhiska ciidamada,kadib kolkii Qaramada Midoobay ay ogolaatay in Talyaanigu uu muddo 10 sano oo xorriyad gaarsiin ah uu maamulo gobolada koonfureed, si dadka Soomaliyeed looga caawiyo barashada maaulka dowladnimo,halka gobolada woqooyi maamulkooda uu baaqi ku sii ahaa dowladdi Ingiriiska. Sanadkii 1950-kii waxaa mar kale gobolada koonfurta Soomaaliya ka bilowday dib u dhiska ciidamada,kadib kolkii Qaramada Midoobay ay ogolaatay in Talyaanigu uu muddo 10 sano oo xorriyad gaarsiin ah uu maamulo gobolada koonfureed, si dadka Soomaliyeed looga caawiyo barashada maaulka dowladnimo,halka gobolada woqooyi maamulkooda uu baaqi ku sii ahaa dowladdi Ingiriiska.
Xilligii Xoriyadda (1960)
Xoreyntii gobolada koonfureed iyo israaca laba gobol ee woqooyi iyo koonfur,waxaa la sameeyay ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban 3700-askari,isla markaana leh qalab iyo tababar casri ah oo la mid ah kuwa caalamka ee dunida,waxaana lagu kordhiyay kun
Inkastoo bur-burkii ka dhacay dalka 1991-kii ee ay horseedka ka ahaayeen qaar ka mid ah hoggaamiyiyaasha Soomaalida uu saameyn ku yeeshay ciidamada ,haddana laga soo bilaabo sanadihii 2000-2004tii, waxaa lagu guuleystay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay dhallinyaro cusub oo dhiirigeliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.