Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaan hoostega degmada Luuq ee Gobolka Gedo.
Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in dagaalkaas oo ka dhacay deegaanka Yaxaaslow oo hoostega Luuq uu ka dambeeyay, ka gadaal markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan dowladda oo halkaas ku sugnaa.
Inta uu socday dagaalka dhexmaray Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab ayaa waxaa la maqlayay dhawaqa rasaas xoogan oo labada dhinac ay isdhaafsanayeen, waxaana dagaalkaas ka dhacay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Hal Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka laba kalena ay dhaawacmeen, waxaana Saraakiil ka tirsan Ciidanka ay sheegeen in Shabaabka ay gaarsiiyeen khasaaro, in kastoo aysan tiro sheegin.
Sidoo kale Saraakiisha ayaa tilmaamay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-shabaab, isla markaana dhowr daqiiqo kadib ay si caadi ah ku soo laabatay xaaladda deegaanka Yaxaaslow ee hoostega degmada Luuq ee Gobolka Gedo.
Si kastaba dagaalo u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo horey waxaa ay uga dhaceen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland, kuwaasi oo geystay khasaaro nafeed.