Warbixin lagu soo daabacay Wargeyska Le Figaro ee ka soo baxa magaalladda Paris ayey Baarayaasha ku sheegeen inaysan wax qaraxyo ah ku arkin maydadka Rakaabkii Faransiiska ee la socday Diyaaradaasi.
Diyaaradaasi oo isaga kala gooshaysay maga llooyinka Paris iyo Qaahira ayaa burburtay bishii May 19-dii ee sannadkii hore, iyadoo ay ku geeriyoodeen dhamaan 66-kii qof ee la socotay oo ay ku jiren 12 u dhalatay Faransiiska.
Hadalkaasi waxa uu meesha ka saarayaa Warbixin ay Baarayaal Masaari ah bishii December ku sheegeen inay qaraxyo ka heleen maydadkii la socday Diyaaradii burburtay ee Duullimaadkeedu ahaa 804.
©Radio Dalsan