Wasiirka Arrimaha Dibedda Pakistan, Shah Mahmood Qureshi ayaa u xaqiijiyey Dowladda Federalka Somalia in la sii ambaqaadi doono Fursadaha Tababarada ee ay u fidiyaan Xirfadlayaasha Soomaalida.
Wasiir Qureshi waxa uu hadalkaasi kaga dhawaaqay Kulan Khaas oo uu la yeeshay dhigiisa Somalia, Abdi said Mussa Ali oo haatan Socdaal hawleed ku jooga Caasimada dalkaasi ee Islamabad.
Waxa uu Wasiirka tilmaamay inay sii socon doonaan Fursadayaasha Tababarada ee Diplomaasiyadda, Difaaca, Caafimaadka, Hawlaha Bangiyada iyo Cilmiga IT-ga
Waxa uu xusay inay in ka badan 2,000 oo Arday Soomaali ah ku sugan yihiin Hay’addaha kala duwan ee Waxbarashadda ee ku yaalla gudaha Pakistan, iyadoo ay Ardaydaasi ka helaan Barnaamijka Taageerada Farsamo ee Pakistan(Under Pakistan’s Technical Assistance Programme).
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Pakistan waxa kale oo uu xusay inay Labada Dowladood wada saxiixan doonaan Heshiis Is-Afgarad (MoU), si loo si xoojiyo Xiriirka Labada Waddan ee Walaalaha ah.
Ugu dambayntii, Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia, Abdisaid Mussa Ali waxaa loo fidiyey Casuumaad Khaas ah u fidiyey, oo uu mar kale ku soo booqdo Caasimadda dalka Pakistan ee Islamabad.