Askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa guutada 14 ka Oktoobar ayaa Nin shacab ah waxaa uu ku dilay magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dilka loo geystay Marxuumka ayaa si gaar ah uga dhacay xaafada buunda bilan ee Marka, waxaana dad goobta ka agdhawaa ay ku warrameen in Askariga uu marka hore Ninka ku amray inuu istaago, kadibna uu si bareer ah rasaas ugu furay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed (Foodeey) uu mid ahaa shaqaalaha shirkada Isgaarsiinta Hormuud qeybteeda Magaalada Marko, inkastoo aysan weli shirkadda ka hadlin falkaasi.
Askariga dilka geystay ayaa sida la tilmaamay durbadii goobta isaga cararay, laamaha ammaanka gaar ahaan kuwa guutada 14 ka Oktoobar ee ku sugan Marka ayaa laga dalbaday inay gacanta kusoo dhigaan askariga dilka geystay.
Si kastaba, ma’ahan markii ugu horreysay oo sidaan oo kale magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose loogu dilo qof shacab oo aan waxba galabsan.