Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Aadan Xasan Maxamed ayaa ku dhawaaqay inuu iska Casilay xilkii Wasiirnimo ee uu ka haayay maamulkaas.
Wasiir Aadan Xasan Maxamed ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in warqadiisa Is-casilaada ah uu u gubyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gateen oo xilka u magacaabay 13/02/2019.
Sidoo kale waxaa uu Aadan Xasan u mahadceliyay shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Koonfur Galbeed iyo Golaha Wasiirada ay soo wadashaqeeyeen inta uu xilka haayay.
Ugu dambeyntii maamulka Koonfur Galbeed iyo shacabka ku dhaqan deegaanadaas ayaa waxaa uu u rajeeyay guul, horumar iyo nabad, hayeeshee Wasiirka ma shaacin sababta uu xilka isaga casilay.
Hoos ka Akhriso Warqada Is-casilaada Wasiirka Arrimaha Dastuurka KGS.