Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Liiska dalal ay ka imaanayan Muwaadiniin Soomaali ah, kadib markii Maanta si KMG ah loo fasaxay duulimaadyadii Caalamiga ahaa.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka socota 14 dal inay imaanayan dalka, kuwaasi oo ku xaniban Garoomo ku yaalla Caalamka.
Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda ayaa waxaa Muwaadiniinta loogu wargeliyay in muddo 14 maalmood la karantiilayo, maadaama ay ka imaanayan dalal uu siweyn u sameeyay Cudurka halista ee Coronavirus.
Maanta ayay aheyd markii Wasiirka gaadiidka duulista iyo hawada Xukuumadda uu shaaciyay in duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray si KMG ah loo fasaxay.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka dowladda.