Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiran, halkaas oo uu kulamo kula qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale
Ra’iisul Wasaaraha oo ay safarkiisa ku wehliyeen mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Golaha Baarlamaanka, ayaa booqashada ku tagey Hiiraan waxay ahmiyad gaar ah u leedahay qorshaha dib-u-xoreynta dalka ee la magac baxay DULMIDIID.
RW Xamse Cabdi Barre ayaa inta uu booqashadiisa ku gudajirey wuxuu booqday goobihii ku burburay weerarradii dhawaan la beegsatay qaraxyada ee xarunta maamulka gobalka, halkaas oo ku naf waayeen dad isugu jiray mas’uuliyiin iyo shacab.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa kulamo la qaatay dadweynaha iyo mas’uuliyiinta gobolka ee hoggaaminaya kacdoonka reer Hiiraan ee ka dhanka Al-shabaab.
“Dadka Reer Hiiraan waxaan leeyahay ha niyad jabina, keligiin ma tihiin. Ummadda Soomaaliyeed ayaa garab iyo gaashaan idiin ah. Waa la idin la joogaa. Horay, gadaal iyo hareerahaba waa la idinka jiraa ee halganka halkiisa ka sii wada”, ayuu yiri RW. Xamse.