Somaliland oo ku Eedeysay Dowladda Somalia khal-khal gelin Hawo

Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegtay in Somaliland ay u madax banaan tahay maamulista hawadeeda oo aysan jirin cid kale oo xiligaan la maamusho hawada.

Maareeyaha Duulista iyo Garoomada Somaliland Maxamuud Cabdi Rodol oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in Somaliland ay haweeda aysan cid la maamulin, isla  markaana ay iyada u madax banaan tahay.

Maareeye Maxamed Rodol ayaa waxaa uu dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay dooneyso inay khal-khal galiso xiriirka dhanka hawada ee kala dhexeeya dalalka Dunida.

Waxaa uu sheegay in garoomada diyaaradaha Somaliland ay u furan yihiin dhamaan diyaaradaha Caalamiga ah ee doonaya inay kasoo degaan, marka laga reebo duulimaadyadii ay u mamnuuceen sababo la xiriira Cudurka Coronavirus.

Si kastaba hadalka Maareeyaha Duulista iyo Garoomada Somaliland ayaa waxaan uu kusoo aadayaa, iyadoo Maanta Garoonka Hargeysa ay ka degtay diyaaradda Ethiopian Airline, xili ay dowladda Federaalka Soomaaliya joojisay duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray iyo kuwii kabixi jiray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media