Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.
Xubnaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Ajendaha maanta horyaala Golaha uu yahay Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Shirkadaha (company law), kaas oo xiligaan dalka muhiim u ah.
Hindise Sharciyeedka Shirkadaha ayaa maanta laga hor aqrin doonaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo kulanka ay ka qeyb galayaan guddoonka Golaha Shacabka.