Wasiiradda Arrimaha Dibedda, Ganacsiga iyo Horumarinta Caalamiga ee dalkaasi waxay si wadajir ah ugu dhawaaqeen inay Somalia ugu deeqeen lacag dhan 3 million oo Euro (€3 million), si wax loogu qabto Xiisadaha Aadminimo ee ka jirta Somalai.
Hadal-qoraal oo ay Wasiiraddu soo saareen ayey ku sheegeen inay Dowladda Ireland sii waadi doonto inay Midowga Europe iyo QM kala shaqeeynayaan DFS dadaalka ay ku jirto Deganaanshaha Somalia iyo wax-ka-qabashadda Xiisadaha Aadminimo, gaar ahaan Dadadka waxyeelladda ka geystay qeybo ka mid ah Somalia.
Dhinaca kale, Dowladda Ireland waxay sannadkii hore ugu deeqday Somalia lacag dhan 5.7 million oo Euro (€6.7 million) oo lagu taageeray Hawlaha Samafalka Aadminomo ee ka jirtay Somalia.