Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa waxaa Guddoomiye Cusub loogu magacaabay deegaanka Bariire ee Degmada Awdheegle.
Cumar Cabdi Xasan ayaa loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana halkaas dhawaan laga saaray dagaalamayaasha Al-shabaab oo in muddo ah gacanta ku haayay.
Ujeedka Guddoomiye loogu magacaabay deegaanka Bariire ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay,kadib markii uu Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose garwaaqsaday in loo baahan yahay deegaankaas inuu helo maamul baahida Shacabka ka turjuma.
Deegaanka Bariire ee Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa dhawaan Ciidanka Xooga dalka ay saareen Al-shabaab oo halkaasi in muddo ah ku sugnaa.
Hoos ka Akhriso Wareegtada.