Wararka aan ka heleyno degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow gudaha degmadaasi lagu dilay wiil dhalinyaro ah.
Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa la sheegay in suuqyaraha degmadaas ay ku dileyn wiilka dhalinyarada ahaa,iyaga oo ka toogtay qeybaha sare ee jirka halkaasna uu ku geeriyooday sida ay dadka deegaanka inoo xaqiijiyeen.
Raggii ka dambeeyey dilka Wiilka dhalinyarada ah ayaa goobta ka baxsaday,waxana weli la cadeny waxa uu ahaa Shaqsiga lagu dilay suuqyaraha degmada dharkenley.
Maamulka degmada Dharkenley weli kama hadlin dilkaas,waxa uuna ku soo aadayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay Muqdisho ka dhacayen dilal qorsheysan oo inta badan ay sheegteen Al-Shabaab.
Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com