Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Maalinta Sabtida ah ee soo socota kulan deg deg ah isugu yeeray xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulankaan deg dega ah ayaa sida uu Ra’iisul Wasaaraha sheegay in uu noqon doono mid lagu shaacinayo in Maalintaas wixii ka dambeeya dalka uu geli doono xaalad dagaal.
Kheyre yaa kulan qado ah oo uu Maanta la yeeshay Dhalinyarada Gurmad Qaran ka sheegay in Sabtida wixii ka dambeeya uu bilaaban doono dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
Hoos Ka Akhriso Warqada uu Madaxweynaha u diray Guddoomiyasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.