Gelinkii dambe ee Maanta ilaa Caawa waxaa xirnaa qeybo ka mid ah Suuqa Caanaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kadib markii lagu arkay waxyaabaha qarxa.
Ciidamada Puntland ayaa dhamaan xiray Wadooyinka soo gala suuqa iyo Goobta qaraxa lagu arkay,waxaan jirtay howlgallo gaar ah ay sameynayeen sida ay dadka Boosaaso Dalsan u sheegeen.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland ayaa waxa ay sheegeen in ugu dambeyn ay ku guuleestaan in ay kala furfuran qaraxaasi isla markaana ay dadka ka  badbaadiyeen in uu dhibaateeyo.
In kastoo ay xili habeen ah tahay hadana waxaa xoogaa dib u furmay isu socodkii dadka iyo Gaadiidka mana sheegin saraakiishu dad ay la qabteen qaraxaas.
Â